Dowlad Goboleedka KG oo war kasoo saartay dilkii caruurta

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dilkii loo geystay caruur lagu dilay magaalada Baydhabo laba maalin kahor.

Warar Keydmedia Online
Dowlad Goboleedka KG oo war kasoo saartay dilkii caruurta

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasaraadda Haweenka, arrimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadashay falkii lagu dilay labadii caruur ee meydadkooda laga helay duleedka Magaalada Baydhabo laba maalin kahor.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Haweenka, arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka KGS ayaa waxaa lagu cambaareeyay falkii lagu dilay Caruurtii meydadkooda khamiistii lasoo dhaafay laga helay duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiir Wasaaradda Marwo Fahiimo Cismaan ayaa falkaas loo geystay caruurta ku tilmaantay mid fool xun oo lagu dilay caruur walaalo ah oo aan waxba galabsan, isla markaana uu ahaa mid ka fog diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka waraaqda kasoo baxday xafiiska wasaaradda:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].