Dowlada Kenya oo xirtay rag looga shakiyay Alqaacidanimo

KENYA (KEYDMEDIA) Ciidamada nabad sugida Kenya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen afar nin oo Soomaali ah oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Alqaacida.
Warar Keydmedia Online
Dowlada Kenya oo xirtay rag looga shakiyay Alqaacidanimo

Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in xiliga la qabanayay dhalinyarada ay wateen kaamirooyin, waxaana laga helay kaamirooyinkooda sawirada xarumo muhiim ah oo ay leedahay dowlada Kenya kuwaasoo la maleeyay in qarax loo qorsheynayay.

Sirdoonka Kenya waxa ay sheegeen in ay suurta gal tahay in dhalinyaradaasi ay xiriir la lahaayeen shabaabka Soomaaliya.

WWW.KEYDMEDIA.NET