Dowladda Fadaraalka oo ku dhawaaqday inay birri soon tahay

Dowladda Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday in birri oo Arbaco la buuxinayo 30ka bisha Soo-qaad, Ciiduna tahay Khamiista.

Warar Keydmedia Online
Dowladda Fadaraalka oo ku dhawaaqday inay birri soon tahay

MQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in birri oo Arabo ah la dhameystirayo bisha barakeysan ee Ramadaan, maadaama la waayay curashada misha Shawaal.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda xil-gaarsiinta, Sheekh Cumar Cali Rooble, ayaa ku dhawaaqay in birri ay tahay Soon lana buuxinayo 30-ka bisha Soon-qaad.

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo waddo badan ay xaqiijiyeen in aan la helin bisha Suun-fur, birrina ay tahay Soon.

Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab oo ka arrimisa degaanno ka mid ah Soomaaliya ayaa shaacisay in Gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool, laga arkay bisha Suun-fur, dadka ku nool degaannada Kooxdu ka taliso ayay ku war galiyeen in ay birri tahay ciid.

 KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.