Dowladda oo Jabuuti iyo Kenya ku eedeeysay faragelin

Dowladda Federaalka ayaa ka digtay qorshe Kenya iyo Jabuuti ay ka dhex wadaan shirka Midowga Afrika ay ka yeesheen maanta arimaha Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo Jabuuti iyo Kenya ku eedeeysay faragelin

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda waqtigeeda dhamaatay, Cismaan Dubbe, ayaa Kenya iyo Jabuuti ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan sidii ay guddiga Midowga Afrika kaga dhaadhicin lahaayeen in qodobo ay doonayaan lagu daro go'aanka shirkii maanta dhacay. 

Shir uu Guddiga Amniga, Nabadda iuo Siyaasada ee Midowga Afrika ka lahaa maanta, ayuu Dubbe sheegay in Kenya iyo Jabuuti ay rabaan in lagu daro qodobo kasoo horjeeda qaranimada.

Dubbe oo kahor hadlaya telefishinka Dowladda ayaa yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay ka digaysaa wax walba oo taabanaya gobanimada iyo madax bannaanideeda siyaasadeed". 

"Waxaan kasoo horjeednaa dowladdo ay Soomaaliya kala dhexayso xurguf siyaasadeed in ay guddiga nabada midowga Afrika u adeegsadaan ku xad gudubka gobanimada Soomaaliya,” ayuu yiri Dubbe.

Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday ayaa sheegtay in aysan aqbalayn faragelin shisheeye ito ka xad gudubka arimaha gudaha ee Soomaaliya. 

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].