Dowladda oo gaadiid hor leh u dirtay Gedo

Dowladda ayaa gaadiid hor leh oo isugu jira kuwa aan xabaddu karin iyo kuwa kale diyaarad usaartay galabta, xilli dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ay ka jiraan gobolka Gedo

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo gaadiid hor leh u dirtay Gedo

GEDO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka dejisay gaadiid nooca aan xabadda karin ee loo yaqaano Bullet-proof -ka, xilli ay sare usii kacday siyaasadda gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, dowladda ayaa gaadiidkan ka qaadday magaalada Muqdisho, waxayna ka dejisay Garoonka diyaaradaha ee Doolow, waxaana la wareegay Taliyaha howlgelinta Jubbooyinka Bakaal Kooke iyo Taliyaha Nabadsugidda Degmada iyo Guddoomiyaha Doolow Cali Faarax oo dhammaantood gacan saar la leh Farmaajo iyo Fahad!

Gobolka lagu muransan yahay ee Gedo ayaa maalmihii lasoo dhaafay la geeyay ciidamo hor leh, iyadoo kal horena la geeyay ciidamo aad u tiro badan, wararka ay heleyso Keydmedia Online ayaa waxay xaqiijiyeen in xaaladda gobolka Gedo iyo damaca madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo uusan waxba iska baddalin, waxa uuna go'aansaday geed gaaban iyo geed dheerna u fuulay sidii uu gacanta ugu sii hayn lahaa gobolka Gedo, doorashadiisana uu ula wareego!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.