Dowladda oo kordhisay xayiraadaha COVID-19

Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay muddada xayiraadaha ee horay loo shaaciyay kuwaasoo muddadii labada toddobaad ah ay dhammaatay!

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo kordhisay xayiraadaha COVID-19

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe, ayaa goordhow sheegay in xayiraadihii Covid-19 ee hore loo soo saaray lagu daray muddo laba todobaad oo kale!

Goobaha waxbarashada, xafiisyada dowladda iyo amaradii kale ayaa sidoodii usii shaqeyn doono ilaa amar dambe, waxaana goobaha waxbarashada iyo guud ahaan goobaha kale ee ay xayiraaddu quseyso la faray in ay u hoggaansamaan amarka, waxaana bulshada Soomaaliyeed guud ahaan lagula taliyay in ay qaataan tallaalka ka hortagga caabuqa Covid-19 ee dalka la keenay.

Wasiirka oo ka hadlayay sida ay suura gal ku tahay in goobaha waxbarashada ay sii saarnaato xayiraadda iyadoo la ogyahay in lagu sii dhawaanayo xilligii imtixaanaadka Jaamacadaha iyo Iskuulada, ayuu sheegay in ay macquul tahay in fasallada 8 -aad iyo 12 -aad dib loo billaabo, kaddib markii ay is tallaalaan macallimiinta, waxa uuna sheegay in ay suura gal tahay in ardayda loo sameeyo hab lagu ilaalinayo kala fogaanshiyaha ardayda.

Amarkii horay uga soo baxay Xukuumadda RW Rooble ee lagu xayiray goobo badan oo ay dadku isugu yimaadaan ayaa waxaa ka dhaqan galay goobaha waxbarashada oo si rasmi ah loo fasaxay, halka awaamiirtii kale ee ahayd in aan la isugu imaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan, aroosyada iyo aasaska 10 ka ruux kaliya loo ogol yahay kasoo qeyb galkooda iyo xirashada Af-xirka ayaan dhammaantood la fulin, dadka suuqyada ka adeeganaya kuwa hotel lada ku shaaha galbihii iyo kuwa goobaha nasiinada ee xeebaha iyo meelaha lamidka ahba si caadi ah ayey u yimaadaan maalin walba.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.