Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Xuutiyiinta

Dowladda Soomaaliya oo u taag heli la' ficillada argagaxiso ee kooxda ka dagallanta Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa cambaareeneysa falalka ay Xuutiyiinta ka wadaan Sucuudiga iyo Yeman

Warar Keydmedia Online
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Xuutiyiinta

RIYAAD, Sacuudi - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saartay weerar ay Xuutiyiinta ka geysteen gudaha waddanka Sacuudi Carabiya, xilli ay sii socdaan ficillada argagaxa leh ee isugu jira qaraxyada, dilalka iyo weerarada ka imaanaya kooxda Al-Shabaab ee ka dagallanta Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd" ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Soomaaliya.

"Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda ariimaha dibadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.