Dowladda oo sheegtay in ay ka hor tagtay hub la soo galinayay dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka hor tagtay hub sharci darro ah oo la doonayay in la soo geliyo gudaha waddanka.

Warar Keydmedia Online
Dowladda oo sheegtay in ay ka hor tagtay hub la soo galinayay dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowaldda ayaa sheegatay in hay’ado Ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo is garabsaday ay doonayaan inay hub culus soo galiyaan dalka, iyadoo aan lala socodsiin hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda.

War saxaafadeed ka soo baxay Xuxuumadda ayaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya".

Dowladda ayaa sheegatay in ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro marka la doonayao in hub la soo galiyo waddanka, nidaamkaas ayayna sheegatay inuu ka saaciday is hor is taagga ay ku ku sameysay hubkaas.

War saxaafadeed-kan ayaa lagu sheegay in qorshaha Dalka lagu soo gelinayay hubkaan culus uu u jeedkiisu ahaa in la qal-qal galiyo nabadda iyo xasiloonida Dalka.

Dowladdu ma aysan caddayn halka uu hubkaan ka yimid, halka uu u socday in dadka watay intaba, mana aysan soo bandhigin wax cadeyn ah, waxa ayna sheegatay in ay baaritaan ku hayaan u jeedada laga lahaa.

Dalka ayaa ku jira marxalad adag oo siyaasadeed, xasarad dagaal ayaana ka aloosan meelo badan oo dalka ah, jabhado ayaa ka hana qaaday qeyb ka mid ah gobolada waddanka, cabsi xoog leh ayaana laga qabaa in dagaalo iyo iska hor imaadyo xooggan dhacaan marka uu dhamaado waqtiga sharciga ah ee Farmaajo oo ku 8 Feebaraayo 2021-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.