Dowladda UK oo ku celisay mar kale inaysan taageerin muddo kororsi

Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale ku celisay in aysan taageeri doonin go'aankii Golaha Shacabka ee BJFS kaasoo muddo kordhinta loogu sameeyay hay'adaha dowladda.

Warar Keydmedia Online
Dowladda UK oo ku celisay mar kale inaysan taageerin muddo kororsi

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster oo kulan la qaadatay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan taageeri doonin marnaba go'aanka muddo kordhinta.

"Kulan wax ku ool ah oo aan la yeeshay Khadar Guuleed Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliyaoo aan uga wada hadlnay xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaa dib loo xaqiijiyey in Calanka Boqortooyada Midowday ee UK uusan taageeri doonin muddo kordhinta. Waxaan carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loogu laabto qaab doorasho oo ku saleysan is afgarad" ayey ku tiri war kooban oo ay kusoo qortay barteeda gaarka ah ee Twitter ka.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay isna bartiisa ku sheegay waxyaabihii looga hadlay kulanka oo uu ku tilmaamay iskaashiga iyo xiriirka labada waddan, hayeeshee Danjiraha UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay arrinta xasaasiga ah ee doorashooyinka Soomaaliya, waxayna carrabka ku adkeysay in aysan UK taageerin marnaba go'aankii muddo kordhinta, waxayna ku talo bixisay in mar kale lagu soo laabto miiskii wada-hadallada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].