Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Cornel C/rixmaan Timacade oo ah Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidamada XDS ayaa Keydmedia online u sheegay in ay Dagaalka ku Dileen 25 Dagaal yahay oo Al-shabaab ah.
Dagaalyahanada ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ku jiraan Amiirkii Degmada Waajid iyo Taliyihii Ciidamada Al-shabaab ee Degmadaasi,waxaana Saraakiisha Al-shabaab uu sheegay in lagu Magacaamo Sh Aadan yare iyo Sh Cali Axmed Dhuub.
Sidoo kale Corneelka ayaa sheegay in Gaari Nuuca dagaalka ah Al-shabaab looga Qabsaday Dagaalkii Bakool islamarkaana ay jiraan Hub farabadan oo Al-shabaab laga Furtay,
Dhankooda waxaa uu sheegay in ay jiraan Khasaaaro,laakiin uu yar yahay,oo ay iska Difaaceen Weerarka Al-shabaab.
Waxaana Shalay Dagaal lagu Hoobtay uu ka dhacay Toolooyin Hoos yimaada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed ee Dalka.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdishi
Add comment
Comments