Dr Maxamed Yuusuf oo loo diiday in uu galo Isbitaal Madiina iyo amarro lagu soo rogay

Agaasime Maxamed Yuusuf ayaa Isbitaalka Madiina ka soo shaqeeyay xilliyada dagaaladii ugu badnaa magaalada ka dhaceen, kuwaasoo kumanaan ku ruux ku dhinteen. 

Warar Keydmedia Online
Dr Maxamed Yuusuf oo loo diiday in uu galo Isbitaal Madiina iyo amarro lagu soo rogay

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamada ilaalada ka ah afaafka hore ee Isbitaal Madiina ku amartay in uusan gudaha Isbitaalka geli karin Dr Maxamed Yuusuf oo ahaa agaasimihii hore Isbitaalka oo dhawaan xilka laga qaaday.

Warar ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in agaasimaha markii hore laga dalbaday in uu si qasab ah xilka ku wareejiyo, haseyeeshee uu codsaday in waqti la siiyo maadaama uu in muddo ah Isbitaalka ka maamulayay, diyaar garowna ku muujiyo. 

Balse Taliyaha Ciidamada Booliska General Xijaar oo xil ka qaadistaan ku sameeyay agaasimaha ayaa amray in Dr Maxamed Yuusuf aan loo ogolaan in uu gudaha Isbitaalka soo galo, taasoo layaab ku noqotay agaasimaha oo muddo 13 sano ah ka howl geliyay Isbitaalka.

Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ay jiraan dad uu dhawaan qaliinno ku sameeyay oo gudaha Isbitaalka jiifo, kuwaas u baahnaa la socodka xaaladooda, haseyeeshee ay nasiib darro tahay in sidaan lool dhaqmo agaasimaha oo xilliyo ay xaalado adag jiraan Isbitaalka ka soo shaqeeyay.

Isbitaalka Madiina oo la dhisay xilligii dowladdii Kacaanka ayaa waxaa loogu tala galay in lagu daweeyo, ciidamada, saraakiisha booliska iyo qoysaskooda, iyadoona la hoos geeyay hoggaanka caafimaadka ee taliska ciidanka booliska.

Wixii ka dambeeyay dagaaladii sokeeyay ee 1991 dalka ka dhacay ayaa Isbitaalka loo ogolaaday in lagu daweeyo dadka rayidka ah, waxaana gacanta ku hayo hay'adda laan qeyrta cas ee caalamiga ah ee ICRC oo dhinacyo badan ka taageerto Isbitaalka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.