Drs Xaawo Cabdi oo Muqdisho ku geeriyootay

Drs Xaawo Cabdi ayaa la sheegayaa in ay u geeriyootay kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, sida ay qaar ka tirsan eheladeeda u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

Warar Keydmedia Online
Drs Xaawo Cabdi oo Muqdisho ku geeriyootay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saakay magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha ha unaxariistee Drs Xaawo Cabdi, oo ka mid ahayd dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee muddada dheer dalka gudihiisa kasoo shaqeeyay.

Drs Xaawo Cabdi ayaa geeriyootay kadib xanuun deg deg ah oo kusoo booday, sida ay qaar katirsan eheladeeda u xaqiijiyeen warbaahinta gudaha.

Geerida dhaqtarada ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin, dhaqaatiir iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta dalka oo aad u wada garanayay.

Drs Xaawa Cabdi ayaa waxbarashadeedii ku soo qaadatay dalka Ukraine, waxayna Soomaaliya ku soo laabatay Sanadkii 1983-dii, iyadoo xarun caafimaad ka hirgelisay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.

Halka ay xarunta ka furtay oo loogu magac daray deegaanka Xaawa Cabdi ayaanan xilligaasi ka jirin wax adeeg caafimaad, iyadoo bulshada halkaas ku dhaqan ay ugu magac dareen deegaanka Xaawo Cabdi oo ilaa iyo hadda loo yaqaano.

Waxay dhawaan xarun caafimaad ka hirgelisay nawaaxiga Isgoyska Banaadir, ee magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.