Duleedka Galguduud iyo Dagaal u dhaxeeya shacab iyo Itoobiyaan

Wararka naga soo gaaraya Duleedka gobalka Galguduud gaar ahaan deegaanka la yiraahdo Jeed oo ku yaala xadka gobalka uu la wadaago Dhulka ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Gumeysato.
Warar Keydmedia Online
Duleedka Galguduud iyo Dagaal u dhaxeeya shacab iyo Itoobiyaan

Ila deegaanka ah ayaa ku waramay in iminka uu halkaasi si toos ah uga socda iska hor imaad isla markaana ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dirirtani ay u dhaxeysaa Ciidamo deegaanka ah iyo kuwa la yiraahdo Booliska Cusub (New Police) oo ka amar qaata Dowlada Itoobiya balse ku hadla afka Soomaaliga .

Sababta iska hor-imaadka ayaa la sheegay in ay tahay ciidamadaasi oo isku dayay in ay gabood falo u geestaan shacabka gaar ahaan dumarka deegaanka, taasiina ay ka dhiidhiyeen dhalinyaro deegaameedka halkaasi dagan.

www.keydmedia.net