Eeddeyn loo jeediyey qaar ka mid hay’adaha dowladda

Hanti dhowrka guud ee qaranka, ayaa qaar ka mid ah wasaaradaha dalka ku eeddeeyey, in ay ku howlan yihiin mashruucyo sharci darro.

Warar Keydmedia Online
Eeddeyn loo jeediyey qaar ka mid hay’adaha dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya- Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay, xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka, ayuu eeddeyn ugu jeediyey qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda, kuwa oo xilligan kala guurka ah, ku kacaya musuq iyo falal lidi ku ah dowlad wanaagga.

Inkastoo uusan carabaabin, balse wuxuu ku eeddeyey in ay galayaan heshiisyo, aan loo soo marin marinkii saxda ahaa, wuxuuna u soo jeediyey in ay faraha kala baxan mashaariida sharci darrada ee ay ku howlan yihiin.

Xafiiska hanti dhowrka qaranka, oo u taagan ilaalinta hantida qaranka, ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey u muuqday, mid howshiisa u wata sidii loo baahnaa, waxaana laga dhursugayaa jawaabta ay bixiyaan hay'adaha uu musuqooda farta ku fiiqay.

Xilliga kala guurka ah, wax ku cusub ma ahan dalka, in hay'adaha qaar ay ku kacaan musuq iyo boob, maadaama lagu mashquulsan yahay xaaladda cakiran ee dalka.

Sida xafiiska hanti dhowrka uu inoo xaqiijiyey, waxaa hay'adaha uu eeddeynta u jeediyey badankood, ay xiriir hoose la leeyihiin hoggaanka fashilmay ee madaxtooyada fadhiya, kaasoo xilligan adag doonaya inuu galo, heshiisyo uu dhaqaale ka sameeyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.