Eedeysanayaasha kiiska Ikraan oo baxsad ka ah Muqdisho

Saraakiil ku eedeysan kiiska Ikraan Tahliil, ayaa todobaadkaan laga soo celshay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu shaqada Wasaaradda Amniga la wareegay Wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur.

Warar Keydmedia Online
Eedeysanayaasha kiiska Ikraan oo baxsad ka ah Muqdisho

MUQDISHO. Soomaaliya – Eedeysanayaasha kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa kala firxad ka ah Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana markii labaad todobaadkaan siyaabo kala duwan looga soo celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyaga oo baxsad ah.

Sida ay wararku sheegayaan, Wasiirka Aniga Cabdullahi Maxamed Nuur, oo dhawaan la wareegay xilka, ayaa waraaq xayiraad ah dhowr eedeysane ka dhigay garoonka, taas oo sababtay in Hay’adda Socdaalka iyo laamaha amniga garoonka fashiliyaan socdaal dhuumaaleysi ah oo qaar ka mid ah eedeysanayaasha ugu baxayeen Muqdisho.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, shaqsi magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Dhiirane, oo loo yaqaan (Wadne-qabad), oo ka mid ah xubnaha dacwada ay ka gudbiyeen qoyska Ikraan, ayaa subixii hore ee sabtiga laga soo celiyay Aadan Cadde, kaas oo socdaal u ahaa dalka dibaddiisa, isla-markaana ku socdaalayay aqoonsi dal shisheeye.

Sidoo kale, laamaha amniga ee garoonka Aadan Cadde, ayaa dib u soo celiyay Cabdullahi Aadan Kullane (Jiis) kaas oo isna xubin ka ah shaqsiyaadka dacwada laga gudbiyay, Kullane Jiis, wuxuu safar u ahaa gobolka Gedo.

Kooxda ku eedeysan af-duubka iyo dilka Ikraan, ayaa doonaya in ay ka baxsadaan baaritaannada uu wado xaafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee CQS, kaas oo la rajeynayo inuu maalinta khamiista ah war dhameystiran ka soo saaaro kiiska uu u xil-saaray Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xaafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee CQS, ayaa 7/9/2021, qabtay dacwo ka dhan ah, xubnaha kala ah, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Yaasiin Cabduulahi Maxamuud, (Farey), Cabdullahi Aadan Kullane (Jiis) iyo Cabdiqani Dhiirane, oo loo yaqaan (Wadne-qabad), kuwaas oo ku eedeysan kiiska gabadha maqan tan iyo 26-kii Juun.

Tallaabooyinka uu Fahad Yaasiin qaaday 2-dii iyo 5-tii September, ee uu ku kala sheegay in ay Ikraan dileen kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab, iyo inuu warbixinta kiiska horgaynayo Guddiga Amniga Qaranka iyo sidoo kale, waraaqihii kala duwanaa 7-dii iyo 13-kii September, ka soo kala baxay Xaafiiska Farmaajo, isla-markaana lagu daro kala firxadka kooxda eedeyan, waxa ay daliil cad u tahay in hoggaankii hore ee NISA uu ku cadyahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 December 2021 7:34

Nabaddoon Cali Jeesto, ayaa sheegay in xitaa loo diiday inuu u safro Dhuusamareeb, lana hor istaagay socdaalkiisa xilli uu doonayay inuu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.