Eedeysane Fahad Yaasiin oo saaka soo galay Muqdisho

Fahad Yaasiin oo todobaadkaan dhadhamiyay dhibaatada ay leedahay in garoomada lagu xannibo dadka socdaalaya ayaa saaka xilli hore ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar Keydmedia Online
Eedeysane Fahad Yaasiin oo saaka soo galay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin, ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib todobaad ay duulimaadyada shacabku diideen in ay dalka ku soo celiyaan.

Fahad oo billowgii bishaan laga raacdeeyay taliska NISA, kadib markii uu ku lug yeeshay eedo af-duub iyo khaarijin, ayay saaka keentay diyaarad qaas ah, waxaa jira jira xogo sheegay inuu soo maray Addis Ababa, kadibna ay halkaas ka soo qaatay diyaarad ay leeyihiin Militariga Itoobiya.

17 September 2021, war-saxaafadeed ay soo saareen Kooxda Farmaajo, waxa ay ku xaqiijiyeen in Fahad Yaasiin, saacado badan lagu xannibay dalka Jabuuti, ka hor inta aan dib loogu celin Istaanbuul.

Saraakiil amni ayaa xilligaas sheegay in Fahad uu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, si uu faraxa uga baxo amniga Caasimadda.

Imaanshaha Fahad, ayaa ku soo aadeysa xilli ay ku furan tahay dacwo maxakamadeed, isla-markaana uusan lahayn awooddiisi siyaasadeed ee uu dalka kula amar taagleynayay ku dhawaad shantii sano ee la soo dhaafay, waxaana markii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay taliska agaasimaha NISA, saaka la dajiyay guri aan ahayn guriga Habar Khadiijo.

Ilo-wareedyo Keydmedia ay la xiriirtay oo si gaar ah ula socday xiyiraaddii Fahad ee Jabuuti ayaa sheegay in Fahad laga helay baasaboorro iskugu jira dalalka soo socda:

  • Jabuuti – Baasaboor caadi ah
  • Itoobiyaan – Baasaboor caadi ah
  • Itoobiyaan – Baasaboor diblomaasi ah
  • Yemen – Baasaboor caadi ah
  • Qatar – Baasaaboor caadi ah
  • Qatar – Baasaboor diblomaasi ah
  • Somali – Baasaboor diblomaasi ah
  • Somali – Baasaboor diblomaasi ah
  • Kenya – Baasaboor caadi ah
  • Kenya – Baasaboor caadi ah
  • Eritrea – Baasaboor diblomaasi ah

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa Fahad Yaasiin ka raacdeeyay xilka Agaasimaha NISA, kadib markii uu ka dhago adeegay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, oo ahaa inuu keeno warbixin dhameystiran oo la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, oo gacantiisa ku maqan tan iyo 26-kii Juun.

Farmaajo, oo rumeysan in la’aanta Fahad uusan ku sii jiri karin saaxada siyaasadda, ayaa wada dadaalladii iyo isku dayadii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in Fahad iyo kooxdiisa looga badbaadiyo gacmaha sharciga, islka-markaana hor tagaan cadaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.