Elman “Caruurta hala Daryeelo”

Hey'adda u dooda Xuquuqada Aadanaha iyo Nabadda ee Elman Fadhigeeduna uu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka dalbatay Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan daryeelka caruurta
Warar Keydmedia Online
Elman “Caruurta hala Daryeelo”

Gudoomiye ku xigeenka Elman Cali shikh Yaasim (Cali Fadhaa) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurta Soomaaliyeed xiligan ay wajahayaan duruufo adag oo u baahan in laga gar gaaro.

"Ma heystaan Waxbarasho, Caafimaad iyo daryeel intuba, qaarkood waa la askareeyaa oo jiida hore ee Dagaalka ayeey ku sugan yihiin, kuwa kale waa lagu shaqeestaa iyaga oo aan wax xuquuq ah la siin" sidaa waxaa yiri Cali fadhaa oo ah gudoomiye ku xigeenka Elman.

Hadalkan ka soo yeeray Hey'adda Elman ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalintii shalay aheyd qeyba badan oo ka mid ah Dalalka Afrika looga dabaal dagay Maalinta Caruurta Afrika oo ku beegan 16 June.

 

www.keydmedia.net