Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika oo banneynaya xilka

Dalalka Geeska Afrika ee aan xaaladihiisa siyaasadeed fadhin waxaa ka mid ah, Soomaaliya, oo muddo ka badan hal sano ay dib u dhaceen doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha khilaafyo jiray awgood.

News Keydmedia Online
Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika oo banneynaya xilka

WASHINGTON - Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa lagu soo warramayaa inuu xilka ka tagayo iyadoo gobolka ay hareeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo kuwo bini’aadantinimo. 

David Satterfield ayaa xilka iska casilaya saddex bilood uun ka dib magacaabistiisa, sida laga soo xigtay saraakiil aan la magacaabin oo hadda xilal haya iyo kuwo hore oo la hadlay majaladda Foreign Policy.

Satterfield, waxa uu beddelay Danjire, Jeffrey Feltman, oo isna xilkaas hayay, wax ka yar sannad, Majaladda ayaa sheegtay in ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

Sida ay sheegtay Foreign Policy, ma cadda sababta uu xilka uga tagayo Satterfield, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaana ka gaabsaday inuu xaqiijiyo sababta uu David Satterfield xilka uga tagayo.

Colaadda dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Intii uu xaafiiska joogay Satterfield, wax weyn kuma soo kordhin, dadaallada xal raadinta, ee colaadaha Waqooyiga Itoobiya, halka xaalado  kala duwan, oo abaarro iyo xasillooni darro siyaasadeed ka aloosan yihiin gobolka.

Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay gobolka, ay dhinac u janjeraan marka la eego dagaallaa Itoobiya.

Dalalka Geeska Afrika ee aan xaaladihiisa siyaasadeed fadhin waxaa ka mid ah, Soomaaliya, oo muddo ka badan hal sano ay dib u dhaceen doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha khilaafyo jiray awgood.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.