Ex Al-Shabaab, Taliyaha Cusub ee Nabad-Sugidda Gobolka Banaadir!

Muqdisho (KON) - Sidaan Shalay soo Qornay, Colonel Maxamed Aadan Koofi ayaa la wareegi doona Xilka Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Hadaba maxuu Shalay ahaa, maxaase Maantay laga filan karaa?
Warar Keydmedia Online
Ex Al-Shabaab, Taliyaha Cusub ee Nabad-Sugidda Gobolka Banaadir!

Maxamed Aadan Koofi Shalay wuxuu kamid ahaa Madaxda Kooxda Al-Shabaab. Waxey Saaxiib Howleed ahaan jiraan Godane, Roobow iyo Shangole.

Sida la sheegay Koofi wuu kasoo Xarig furtay Kooxdaas, kadibnah wuxuu kusoo biiray oo uu kamid noqday Ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna kamid ahaa Saraakiisha Nabadsugida.

Col. Koofi wuxuu Tababar Gaaban kusoo kala qaatay Wadamada Sudan iyo Jabuuti, wuxuuna wax kasoo bartay Kampala, isagoo ku takhasusay Maamulka iyo maareynta. Durbadiiba kor buu u boodayoo wuxuu noqday Koronel.

Hadaba maxaa laga filan karaa Maantay? Ma wuxuu Shalay (Markuu Ku-xigeenka Taliyaha Nabadsugidda ahaa) Qaban waayay ayuu Maantay qaban karaa? Ma wuxuu soo qabanayaa Godane iyo Shangole? Ma wuxuusan ogeen, Godane meshuu kunool yahay ama Rooboow? Haduusan Shalay ogeen, Maantay see ku ogaanayaa?

Ma wuxuu Habeenba Bambo dhigi doonaa Xarumaha ay Shabaabku ku tababartaan? Ma wuxuu soo qabanayaa Ganacsatada Shabaabka Maalgalisa? Ma wuxuu soo qabanayaa kuwa Shabaabka hada oo Dowladda Jagooyinka sare ka haya? Mase suurtowdaa inay Asaga laftiisu Shabaab xiriir leeyihiin?

La arki doonee, Hambalyo, Hambalyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho