EXCLUSIVE: Sababaha Taliyaha Nabad Sugida “Sanbaloolshe” Xilka looga qaaday

Muqdisho (KON) - Kulan ay Maanta oo Sabti ah (September 7, 2014) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ku yeesheen Xafiiska Ra'iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa Xilka looga qaaday Taliyihi Hay'adda Nabad Sugida Qaranka.
Warar Keydmedia Online
EXCLUSIVE: Sababaha Taliyaha Nabad Sugida “Sanbaloolshe” Xilka looga qaaday

Warar Hoose oo Keydmedia Online ka heshay Xafiiska RW C/weli ayaa sheegaya in C/llaahi Maxa'ed Sanbaloolshe Xilka loogu qaaday Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha & Ra'iisul Wasaaraha DFS.

Khilaafka Labada Mas'uul, Madaxweynaha & Ra'iisul wasaaraha ayaa ahaa mid soo jiitamayay tan iyo Bishii July, markii Xilka sidan oo kale laga qaaday Jen. Bashiir Goobe.

Illaha ayaa u sheegay KON in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in uu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/llaahi Goodax Barre, maadaama ay yihiin Labo Qof oo isku Beel/Qabiil ah, sidoo kalena aysana wada qaban karin Xilalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Hay'adda Nabad Sugida Qaranka.

Markii uu diiday Madaxweyne Xasan Sheekh soo jeedinta Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa Maanta dhacday in Golaha wasiiradda loogu yeero Xafiiska RW C/weli si Codka kalsoonida loogu qaado Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida Qaranka, C/llaahi Sanbaloolshe, ugu danbaytiina laga qaaday Xilka.

C/llaahi Sanbaloolshe, oo mar soo noqday Safiirka Soomaaliya ee UK ayaa Maanta Xilkiisa ka qaaday RW C/weli Sheekh Axmed xilli uu Labo Bilood oo kaliya Xafiiska joogay, waxaana uu sii hayn doonaa xilaka inta Shaqsi Cusub laga soo magacaabayo.

Waa Taliyhii 3-aad oo Xilka laga qaado tan iyo markii uu Xasan Sheekh Madaxweyne noqday.

Madaxtooyadda ayaa hadda waxaa ka socda Dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo Xafiiska Madaxweynaha uu wado, kadib markii uu soo baxay Warka ah in RW Xilkii ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana laga warsugayaa waxa uu ka yeelo Madaxweynaha Tallaabada RW C/weli.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.