Faah-faahin Qarax Muqdisho ka dhacay

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Suuqa Beerta ee degmada Waaberi, waxaana ku dhaawacmay hal ruux.

Warar Keydmedia Online
Faah-faahin Qarax Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa faah-faahinno dheeraad ah laga helayaa qarax jugtiisa meelo badan laga maqlay oo fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qaraxaan oo la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso waddada isku xirto Suuqa Beerta iyo iskuulka 21 October oo kuwada yaallo Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay waddada dhinaceeda, waxaana lagu soo waramayaa in uu ku dhaawacmay ruux gaari saarnaa, walow aan khasaaro kale la soo warin, marka laga reebo bur bur soo gaaray gaariga.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib goobta soo gaaray, iyagoona halkaas ka bilaabay baarito lagu baadi goobayo cidda looga shakisanyahay in ay ku lug laheyd qaraxaas.

Ilaa iyo hadda Hay'adaha amaanka faah-faahin raami ah kama bixin qaraxaan.

Magaalada Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay nabdooneed ayaa waxaa maalmahaan ku soo badanaya weerarada ismiidaaminta ah iyo qaraxyada remote control-ka laga hago ee lala beegsado gaadiidka dowladda iyo masuuliyiinta kale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.