Faah-faahin Qaraxii Muqdisho ka dhacay

Ugu yaraan Lix askari ayaa ku dhintay qaraxa, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen, sida goob jooge Keydmedia Online u xaqiijiyay. 

Warar Keydmedia Online
Faah-faahin Qaraxii Muqdisho ka dhacay

Qaraxii Maanta [Sawirka: Twitter]

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa faah-faahinno dheeraad ah laga helaya qarax ismiidaamin ah oo goordhoweed ka dhacay Xerada qeybta 27 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ku taallo dhabarka dambe ee Muqdisho Stadium ama xarunta Xisbiga ee degmada Wartanabadda.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay Illinka hore ee xarunta oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Milateriga.

Warar hor u dhac ayaa sheegaya in xerada uu qaraxa ka dhacay uu ku soo wajahnaa General Axmed Maxamed Tareedisho oo ah taliyaha qeybta 27 ee ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Gobollada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe, isla markaana maanta xaruntooda la weeray. 

Goob jooge ku sugan Xerada la weeraray ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in ay ugu yaraan lix askari qaraxa ku geeriyoodeen, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

"Waxaa geeriyooday saddex askari uu ku jiro darawalkii Geneerlka, lix kale oo dad shaca ah ku jiraan ayaa ku dhaawacntay " ayuu yiri goob joogaa oo aan magaciisa qarinay.

Dadka qaraxa ku dhintay oo aan weli faah-faahin rasmi ah laga heynin ayaa la sheegaya in uu ku jiray darawalkii Gen. Tareedisho oo magaciisa lagu sheegay Maxmed Shaarib oo xalay goobta soo gaaray, kaasoo oo weday ciidamo hur u dhac ah Generaalka oo xalay safar ku soo galay magaalada Muqdisho sida uu noo xaqiijiyay sarkaal ciidamadiisa ka tirsan.

Booliska Soomaaliya ilaa hadda faah-faahin kama bixin qaraxaan, waxaana xusid mudan in ciidamada amaanka ay xireen waddada gasha Xerada ee ka leexato isgoyska Baar Ayaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.