Faah Faahin: Sarkaal Nabadsugidda Ka Tirsan oo Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (KON)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dil degmada Deyniile loogu geystay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay'ada nabadsugida Dowladda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Faah Faahin: Sarkaal Nabadsugidda Ka Tirsan oo Lagu Dilay Muqdisho

Wararku waxay sheegayaan in dilka sarkaalkaan ay ka dambeeyeen ragg bastoolado ku hubeysan ku toogtay gudaha degmada Deyniile.

Sarkaalkaan ayaa lagu magacaabi jiray Cali Garboojo wuxuuna ka mid ahaa raggii ka soo goostay Shabaab ee dhanka Dowladda u soo galay.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho