Faah Faahin Wariyihii Maanta Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho (KON)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dilay wariye kamid ahaa wariyaasha ka howlgalada caasimada aduunka ugu amaanka xun ee Muqdisho, waxaana dilka Wariyaha maanta uu noqonayaa wariyihii 5-aad ee muddo hal todobaad ah lagu dillo magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Faah Faahin Wariyihii Maanta Muqdisho Lagu Dilay

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed C/laahi Fanax ayaa waxaa uu ka shaqeyn jiray wakaalada wararka ee Saba ee laga leeyahay dalka Yaman, waxaana maanta barqadii ay kooxo hubeysan oo manaxayaal ah ay ku dileen degmada Dharkeynley.

Ciidamo ka tirsan Dowaldda Soomaaliya oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgallo inkastoo aysan jirin cid ay dilkaasi u soo qabteen.

Macadda sababta ka dambeysay dilka Wariyahaan, balse dilkaan waxaa uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee Muqdisho loogu geysto.

Muqdisho waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amaanka darran aduunka ee ay wariyaasha ka howlgalaan.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho