Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax dhawaqiisa si weyn looga maqalay degmada Kaaraan iyo demooyinka ku xeeran ayaa dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

MUQQDISHO, Soomaaliya – Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan.

Qaraxa waxaa lala beegsaday gaari, ka mid ah kuwa uu maamulka gobolka Banaadir u diyaariyay in bulshada looga wacyi galiyo caabuqa faafa ee COVID-19.

Qaraxa ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad la socday gaariga la qarxiyay oo xiligaas ka dhex daarnaa cod laga duubay oo dadka looga wacyi-gelinayo COVID-19.

Sida ay xajiijieen, laamaha amaanka degmada Kaaraan, wadihii gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ku geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay seddax askari oo ilaalo ahayd.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.