Faahfaahin: Qaraxa xooggan oo ka dhacay Kismaayo

Qarax khasaare xooggan dhaliyay ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo lala eegtay dhalliyaro ciyaartooy ah oo ku mideysan koox ka dhisan magaalada.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Qaraxa xooggan oo ka dhacay Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xurunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen ciyaartoyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalo madaxda gobolka Jubbada hoose.

Waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana guud ahaan burburay gaarigii uu qaraxu haleelay oo dab weyn ka dhashay.

Ku dhawaaad shan dhimasho ah ayaa la soo warinayaa iyo dhaawac intaas ka badan.

Dhallinyarada la qarxiyay ayaa ku sii wajahnaa garoonka Waamo Stadium, oo galabta laga daahfuri lahaa tartan u dhaxeeya kooxaha ka dhisan Kismaayo.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii Kismaayo lagu doortay Xildhibaannadii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ka mid noqon doona sanad doorasheedkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.