Fahad Yasiin oo saaxiibkiis u magacaabay xilkii Kullane Jiis

Cabaas, oo culuumta IT-ka kusoo bartay Pakistan, kana mid ahaa shaqsiyaadka sida weyn gacansaarka ula leh Fahad Yaasiin, ayaa loo magacaabay xilka Madaxda Shaqaalaha hay’adda NISA.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yasiin oo saaxiibkiis u magacaabay xilkii Kullane Jiis

MUQDISHO, Soomaaaliya - Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka  qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa Cabaas Yacquub, u magacaabay xilkii Jimcahii na weydaaratay laga raacdeeyay Cabdullahi Kullane (Jiis) ee Madaxda Shaqaalaha hay’adda NISA.

Cabaas Yacquub, wuxuu ahaa shaqsi loo saadaalinayay in uu noqon doono ku simaha Agaasmiha guud ee Hay’adda, marka uu Fahad banneeyo xilka, kaas oo raadinaya inuu ka mid noqdo baarlmaanka 11-aad ee dhawaan doorashadiisu billaban doonto.

Tan iyo markii uu xaafiiska yimid NISA yimid Fahad Yaasiin, Cabaas, wuxuu a mid ahaa saaxiibada aadkaa ugu dhow iyo hoggaan, waxaana in muddo ah hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada NISA.

Sida muuqada Fahad, wuxuu xilkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble, ka raacdeeyay Kullane Jiis, u dhiibay mid ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhow, ee xirrirka mudada dheer la leh madaxtooyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.