Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyay xarigga Mukhtaar Roobow

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow cali ‘Abuu Mansuur’, uu u xiran yahay, Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyay xarigga Mukhtaar Roobow

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareysi uu bixiyay Wasiir Cabdirashiid, wuxuu ku sheegay in Makhtaar Rooboow uu Kooxda Al-Shabaab ka baxay 2012-kii, xilligaas oo kala haad xooggan uu ka dhex dhacay Madax Kooxda, ayuu u tallaabay deggaanka uu ka soo jeedo ee abal oo 18 KM u jira degmada Xudur, si uu naftiisa u badbaadiyo.

Wasiir Cabdirashiid, wuxuu xusay inuu qeyb weyn ka qaatay wada hadalladii Mukhtaar Roobow looga soo saarayay duurka iyo figraddii uu xambaarsanaa, xilligii uu ahaa, Guddoomiyiha gobolka Bay, oo ah ka hor inta aan loo magacaabin xilka ugu sarreeya Gaashaan-dhigga.

Cabdirashid, wuxuu la yaab ku tilmaamay markii uu Madaxweynaha la wadaagay in Mukhtaar diyaar u yahay inuu u soo wareeego dhanka Dowladda, in Farmaajo ugu jawaabay “arrinkaas Fahad Yaasiin la wadaag”!

Wuxuu shaki weyn ka muujiyay weerar ay Koxda Al-Shabaab ku qaadeen Mukhtaar, wax yar kadib markii uu arrinta la wadaagay Fahad Yaasiin, taas oo uu aaminsan yahay Cabdirashiid, in weerarkas uu wax badan ka ogaa masuulka hadda ugu sarreeya Hay’adda Nabad-sugidda iy Sir-doonka Qaranka.

Wasiir Cabdirashiid, oo xilligaas Gaashaan-dhigga joogay iyo Wasiirka Cadaaladda oo markaa ahaa taliye ku xigeyna NISA, ayaa ugu danbeyn Muqdusho ka soo dajiyay Mukhtaar, waxaana lala galay hesheesyo ay ugu muhiimsaneyd in ciidankiisa dib loo qalabeeyo, lana billaabo howgal uu isagu hoggaaminayo oo Bay iyo Bakool looga xoreynayo Al-Shabaab.

Guud ahaan heshiisyadii lala galay Mukhtaar, waxaa curyaamiyay Fahad oo dano gaar wata, sida uu sheegay Wasiir Cabdirashiid, waxayna Dowaladdu si cad u diidday inuu hoggaamiyo dadka iyo deggaanka uu u dhashay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu danbeyn, wuxuu hoosta ka xariiqay in Fahad Yaasiin, uu ka danbeeyay xariga Mukhtaar iyo dhiigga shacabka ee ku daatay Baydhabo,

“Xarigga Mukhtaar, waa mid siyaasadeed oo aan Fahad Yaasiin dhaafsaneyn, qof kale uma xirna,waxaan middaas u leeyahy, Fahad waa ninka diiddan in Mukhtaar is sharraxo”. Ayuu yiri Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.