Fahfaahin: Khasaaraha Dagaal ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu ka billowday muran ku qotomo dhul la isku heysto oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Khasaaraha Dagaal ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Fah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal saakay ka dhacay magaaladda Muqdishu, oo maalmihii dambe ka jirtay xiisad siyaasadeed oo xoog leh.

Dagaalka oo dhacay inta u dhaxaysa Isgoysyadda Zoobe iyo Banaadir, ayaa salka ku haya muran dhulka ah, wuxuuna dhexmaray Ciidamo ka kala tirsan Militeriga iyo Booliska Haramcad.

Afhayeenka booliska C/fitaax Aadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in iska hor-imaadka saakay ay ku dhaawacmeen saddex askari oo uu ku jiro taliyaha Haramcad C/xamiid C/llaahi Fanax.

Sidoo kale taliye Xigeenka Booliiska Degmada Dharkeynley ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalka kaasoo hadda uu qaboobey, balse ay jirto xiisad goobta ka taagan.

Khasaare kale ayaana la soo sheegayaa in uu geystay dagaalka oo ah Mid hantiyeed waxaana burbur uu soo gaaray Gaadiid yaalay halka dagaalka uu ka dhacay. Wararka ayaa intaasi ku darayaan in militeriga dagaalka ku lugta lahaa ay ka amar qaataan Sargaal lagu magaacabo Liibaan Madaxweyne.

Waxaa jirta khasaaro dhimasho, balse Afhayeenka ma uusan tirada inta ay la egtahay. Dhawacyada iyo dadka dhintay intaba waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina.

Isqab-qabsiga dhulka ayaa ah mid aad ugu badan Muqdisho, waxaana Maxkamadaha gobolka Banaadir lagu eedeeyaa in aysan si cadaalad ah u xalin khilaafaadka iyo kiisaska dhulka.

Ma jirto cid ka hadashay Madaxda dowladda dagaalka, oo imaanaya xili Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa Farmaajo iyo Rooble, taasoo laga digayo inay dagaal isku bedesho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.