Fahfaahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Maqaayad ayaa ku taalla nawaaxiga Dekadda Muqdisho, waxaana xiliga weerarka ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda katirsan oo halkaasi ka cunteynayay.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta duhurkii ka dhacay degamda Xamar-Jajab ee magaaladda Muqdisho, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

"Laba Qof ayaa ku dhintay hal qofna wuu ku dhaawacmay Qarax uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa jaakadda walxqaha qarxa oo isku qarxiyay Albaabka laga galo Maqaayadda Luul Yemeny ee Dagmada Xamar-Jajab ee gabalka Banaadir," ayuu yiri Ismaaciil Mukhtaar, oo katirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Rasaas xoog leh ayaa la maqlay qarax kadib, waxaana Ciidamo badan lagu daadiyay wadooyinka gala Dekadda Muqdisho, cabsi laga qabay inuu dhaco weerar kale. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo kusoo beegmaya xili wadanka uu galay xaalad kala-guur ah, oo doorashadiisa lagu muransan yahay. 

Waxaa faraha ka baxay xiliyadan oo kale amniga, maadaama mas'uuliyiintii shaqada hayay ay arrimo doorasho ku mashquulaan, iyadoo taaso saameyn ku yeelata Ciidankana oo noqda kuwa aan helin mushaarkooda iyo xuquuqaha kale ee la siin jiray.

Kadib markii la adkeeyay baaritaanka, lana badiyay baraha koonatarool ee laga soo galo Muqdisho, waxaa yaraaday qaraxyada baabuurta labadii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Al-Shabaab u bedeshay weerarada is-qarxin ay fuliyaan dad isku soo xiray walxaha qarxa, oo socod ku gala goobaha bartilmaameedka ah.

Wixii kusoo kordha weerarka maanta, isha ku haay Bogga KON.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.