Fahfaahin: Xildhibaan katirsan HirShabeelle oo Al-Shabaab dishay

Xildhibaanka ayaa lagu dilay deegaanka Yaaqle oo Gololey 16-KM dhanka bari uga beegan sida ay xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Xildhibaan katirsan HirShabeelle oo Al-Shabaab dishay

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaankanka oo magaciisa lagu sheegey Maxamed Maxamuud Xuurshe (Siyaad), ayaa ilo wared ku sugan Balcad waxay sheegeen in baabuurka uu la socday ay dablay ka leexiyeen jidka agagaarka deegaanka Gololey kadibna ay isaga la degeen.

Xildhibaanka ayaa lagu dilay deegaanka Yaaqle oo Gololey 16-KM dhanka bari uga beegan sida ay xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.

Ciidamada Burundi ee AMISOM katirsan iyo kuwa dowladda ayaa lagu guuldareystay inay nabadeeyaan wadada, oo safarkeedii noqday mid khatar badan, iyadoo labadii sano ee ugu dambeeyay lagu dilay dhowr Xildhibaan iyo mas'uuliyiin katirsan HirShabeelle.

Xubnaha katirsan maamulka HirShabeelle ayaa diyaarad u raaca Jowhar iyo Muqdisho oo 90-KM isu jira, sababo amni, iyadoo wax laga qaban waayay weerarada jid-galka ah ee Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.