Fanaan Maxkamad lagu soo taagey Somaliland

Fanaanka Qamar Suugaani ayaa dhawaan yimid Muqdisho oo ka dhigay bandhig-faneed, isagoo kadibna ku laabtay magaaladda Hargeysa, oo uu degan yahay.

Warar Keydmedia Online
Fanaan Maxkamad lagu soo taagey Somaliland

BERBERA, Soomaaliya - Waxaa Maanta Maxkamad ku taalla magaaladda xeebta leh ee Berbera lasoo taagey fanaan lagu magacaabo Qamar Suugaani, kaasoo Somaliland ku eedeysay inuu safar dhaawacaya qooni-u-goosadkeeda ku tagey magaaladda Muqdisho.

Maxkamadda ayaa dhageysatay kiiska fanaankan loo xiray, oo ah inuu dafiray jiritaanka Somaliland, waxayna go'aamisay in mudo 7 maalmood ah lagu sii hayao Xabsiga magaaladda.

Safar dhanka dhulka ah ayuu uga baxay Garowe, isagoo kusii jeeday Hargeysa ayaa lagu xiray magaaladda Berbera, halkaasoo hadda lagu soo taagay Maanta Maxkamad, taasoo xukunkiisa dib u dhigtay.

Maalmo kahor Somaliland ayaa soo musaafurisay Bilaal Bulshaawi, oo ah nin dhalinyaro caan ka ah Tik-Tik, kaasoo lagu xiray Hargeysa labo biloodna xabsi kusoo qaatey kadib markii Koob shaax ah oo uu cubayay ku sawiray calanka Soomaaliya.

Somaliland ayaa inta badan xirta dadka u safra Muqdisho, fanaaniinta, abwaanada, suxufiyiinta iyo kuwa baraha bulshada wax ku qora ee taageersan midnimadda Soomaaliya, kana soo horjeeda gooni-u-goosadkeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.