Fariin ku socota Siyaasiyiinta Koofurta Soomaaliya

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay wanaajiyaan maqaamka uu leeyahy Sanatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee maanta u taagan Midnimada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Fariin ku socota Siyaasiyiinta Koofurta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya uu maanta hor yaallo imtixaan adag oo ku saabsan qadiyadda midnimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo ka hadlayay arrimaha muranka dhaliyay ee ka dhex taaagan siyaasiyiinta Somaaliland, ayaa xusay in Siyaasiyiinta Reer Koofur, laga doonayo in ay tix-galiyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ku dhawaad 50 sano ka shaqaynayey Soomaalinnimo.

“50 sano ayuu ku shaqaynayey Soomaalinnimo, midnimo iyo israaca Soomaaliya, tixgelin la’aan kasta oo lagu sameeyo waxay calaamad u noqonaysaa in madaxda Koofurta Soomaaliya aysan diyaar u ahayn xataa midnimadii afka ahayd”. Ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa tilmamay in “Maanta madaxda Reer Koofureed uu horyaallao imtixaan ay tahay in ay sida wanaagsan su’aalihiisa uga jawaabaan”.  kaas oo uu ula jeeday in la wanaajiyo habka loola dhaqmayo shaqsiga ugu weyn siyaasiyinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, ayaa lagu eedeeyaa in uusan si wanaagsan ula dhaqmin Cabdi Xaashi, oo ka mid ahaa dadka ka hor yimid wadadii qaldaneyd ee uu dalka ku waday.

KEYDMEDIA OONLIE

Commenting is not available in this channel entry.