“Farmaajo iyo Tanaasul: Mashriq iyo Maqrib”

Xildhibaan ka ritsan Golaha Shacabka BJFS ayaa ka hadlay Tanaasulka uu sheeganayo Farmaajo, isagoo ku kala sifeeyay laba kala fog sida Mashriq iyo Magrib

Warar Keydmedia Online
“Farmaajo iyo Tanaasul: Mashriq iyo Maqrib”

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday kaddib Khudbadii uu ka hor jeediyay madaxweyne Farmaajo Baarlamanka Soomaaliya hortiisa.

Xildhibaanka ayaa ku maqnaa dib-u-heshiisiin kaddib dagaallo ka dhacay degaanka Xananbuuro oo ka tirsan Galgaduud.

Xildhibaan Odowaa ayaa sheegay in uu dib ka dhagaysatay khudbada Madaxweynaha uu baarlamaanka shaley ka jeediyay, Wuxuu sheegay Xildhibaanku inuu la yaabay sheegashada madaxweynaha ee uu leeyahay "Tanaasul baan sameeyay", wuxuuna yiri "Xukunka madaxweyne Farmaajo iyo tanaasul meel islamaba galaan"

Afartiisii sano caga jugleyn, dhago-adeyg iyo aamusnaan u badan ayuu muddo xileedkiisii ku dhamaaday,hal maalin madaxweynuhu ma tanaasulin, laga bilaabo

  • Dhiibistii Qalbi-dhagax
  • Ridistii Jawaari
  • Boobkii doorashada maamulada dowlad gobleedayada
  • Arinka Gedo
  • Ridistiisii Raiisul Wasaarishii
  • Arimaha la xariira doorashada

Doorashada dhan ee Soomaliya waxa ay u taagantahay madaxweynaha oo diidan inuu mamaulka Jubalanad u madax baneeyo maamulka Gobolka Gedo.

Wuxuu xildhibaanka kusoo gabagabeeyay "Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub"

Madaxweyne Farmaajo ayaa Baarlamanka ka hor jeediyay khudbad uu ku sheeganayo inuu Tanaasul sameeyay, hayeeshee qof kasta oo Soomaali ah wuu ogyahay in madaxweynuhu uusan tanaasulin marnaba, waxaana iska cad in 16 -ka kursi ee gobolka Gedo taal darteed uu shirkii u burburay, taasoo muujinaysa rabitaankiisa kuraas boobka iyo tanaasul la'aanta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.