Farmaajo oo berrito hor-tagaya Gollaha Shacabka

Madaxweynaha ayaa berri oo Sabti ah khudbad xasaasi ah ka jeedin doono Gollaha Shacabka, sida aan xogta ku helnay. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo berrito hor-tagaya Gollaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah la filayaa in uu hortago Gollaha Shacabka, isagoona khudbad xasaasi ah ka hor jeedin doono.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa galabta loo wada diray fariimo, iyadoona lagu war geliyay in ay berito soo wada xaadiraan kulanka, ajenddaha kulankana uu yahay dhegeysiga khudbadda Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu jeedinayo kaga hadli doono arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka oo haatan laga walaacsanyahay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha laga yaabo in uu baarlamaanka ka codsado muddo kororsi si Xukuumadda cusub ee la magacaabi doono fursad loogu siiyo in ay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, qodobkaas uu madaxweynaha dhowr jeer oo hore ku celceliyay.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo aadeyso saddex todobaad kadib maalintii xilka laga tuuray xukuumaddi Kheyre, waxaana sidoo kale xusid mudan in maalinta berito ah ay tahay 15 Agoosta oo lagu madalsanaa shirka wejiga saddexaad ee Dhuusamareeb.

Si kasto arintaan ayaa waxaa indhaha kuwada haya axsaabta mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhowr jeer oo hore ku celc-eliyay doorasho wada-ogol laga yahay, waqtigeedana ku dhacdo.

KEYDMEDIA ONLINE.

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.