NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Xaaladda Muqdisho ayaa saakay kacsan, waxaana meelaha qaar ka socda isku dhacyo u dhaxeeya dad dibadbax dhigaya iyo Ciidamada dowladda.
MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa soo saarey war qoraal ah oo ay si kulul ugu cambaareynayaan Ciidamo ay sheegeen in Farmaajo uu dil dhigay saakay xaruunta ku taalla nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ciidanka Turkiga uu tababarey ee Haram-Cad ayaa la geeyay hareeraha hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore Hassan Sheekh Maxamuud iyo wadooyinka laga xiray shacabka magaalada Muqdisho.
Waxay Musharxiinta markale uga digeen Farmaajo inuu Ciidanka qaranka u adeegsado caburinta shacabka iyo daan-daansiga siyaasadeed, taasoo horseedi karta dagaal inuu ka dhaco magaaladda.
Waxaa xiran wadooyinka Caasimadda oo lagu soo daadiyay Ciidamo aad u badan, kuwaasoo xiray isku socodka gaadiidka, waxaana laga soo sheegaya degmooyinka qaar rasaas dhacaysa iyo dibadbaxyo socda.
HALKAN KA AKHRI QORAALKA:
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments