Farmaajo oo fashilmay

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay oo ay qaadacadaan Madaxda Maamullada, oo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu fulin waayay heshiisyadii hore ee lagu gaareyay kulamo ka dhacay Baydhabo iyo Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo fashilmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa dhexda uga jira fashil ka dhashay hogaan-xumadiisa iyo damaciisa inuu xukunka haysto in ka badan mudo-xileedkiisa dastuuriga ah, oo ku eg Febuary 2021.

Waxaa dhicisoobey kulan Farmaajo uu ku casuumey madaxda Maamul Goleedyada, kaasoo la filayay inuu Maanta oo Axad ah ka furmo magaaladda Muqdisho, kadib markii la qaadacay marti-qaadkiisa oo ahaa isku daygii ugu dambeeyay oo laga rajo qabey in heshiis looga gaaro khilaaf siyaasadeedka ka jira dalka.

Saamileyda siyaasadda dalka, gaar ahaan Xisbiyada Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada waxay ku eedeeyeen Farmaajo inuu yahay caqabadda hortaagan in Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda kala-guurka, lana qabto doorashooyinka Baarlamaaniga iyo mida Madaxweyne waqtigii loogu tala-galay.

Gudiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay June 27, 2020 inaysan wadanka doorasho ka dhici karin sanadkan, taasoo lagu micneeyay qorsho cusub, oo Villa Soomaaliya ku dooneyso mudo korarsi aan sharci ahayn, iyadoo laga digay dhibaatada uu Farmaajo u horseedayo dalka.

Mudo 13 bilood ah ayay Xaliima Yareey codsatay in loogu daro si ay u diyaariso hadda kadib doorasho qof iyo cod ah, kadib markii lagu fashilmay in 3dii sano iyo barka ee ay jirtay dowladda Federaalka in la sameeyo diyaar-garow doorasho.

Waxay iclaamisay in Doorasho loo maro habka diiwaangelinta dadka ay u baahan tahay 13 bilood oo ka bilaabata July 2020 ilaa August 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.