NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraallo isdaba joog ah soo saartay bishan, oo ay ku eedeynayso Kenya faragelin iyo ku xadgudubka madaxbanaanideeda.
JABUUTI - Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan dalka Jabuuti oo shalay uu gaarey, isagoo la filayo inuu Maanta ka qeybgalo Shir Madaxeedka IGAD, oo ajandooyinkiisa ay kamid tahay Xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.
Todobaadkii tagey, DF ayaa warqad u qortay gudoomiyaha IGAD, ahna Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ay ku dacwaysay Kenya, taasoo keentay in la isagu yeero madaxda Ururka shir deg-deg ah.
Madaxweynaha Kenya lama hubo inuu ka qeybgali doono Shirka iGAD, waxaana Kenya ku mateli doono wafdi heerkiisu hooseeyo, iyadoo Nairobi u muuqata inaysan diyaar u ahayn Farmaajo inay la fariisato xiligan.
Labada dowladooda ayaa xiriirkooda maraya meeshii ugu xumayda, waxaana kala qaateen Safiiraddii u kala fadhiyay Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo hadda qarka u saaran yihiin inuu dagaal ku dhex maro xadka.
Maalintii shalay, Wasaaradda Warfaafinta DF ayaa soo saartey qoraal ay ku sheegtay in Kenya ay Malleeshiyaad ku hubeynayso Mandheera, si ay usoo weeraraan Beled-Xaawo, oo Ciidanka dowladda ku sugan yihiin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments