Farmaajo oo isbedal ku sameeyay Taliska Ciidanka

Keydmedia Online ayaa maalmo kahor soo qortay warkan ku saabsan inuu Madaxweynaha isbedel ku sameynayo taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo isbedal ku sameeyay Taliska Ciidanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta shaaciyay isbedel uu ku sameeyay taliska Ciidanka xoogga dalka xili dalka uu ku jiro marxlad kala guur ah.

Farmaajo ayaa u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka inuu noqdo Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Xoogga, isagoo Taliyaha Ciidanka Dhulka u  magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Sidoo kale, Taliye kuxigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Korneel Xuseen Xoosh. Isbedelkan ayaa noqonaya midkii 6aad oo Farmaajo ku sameynayo Taliska Ciidanka mudo ka yar afar sano.

Keydmedia Online ayaa saddex maalmood kahor soo qortay warkan kahor inta uusan soo shaac-bixin, waxaana Madaxweynaha uu qorsheysanayaa inuu xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha Militeriga, Booliska iyo Asluubta. [Halkan ka akhri Warbixinta]. 

Khubarada amniga ayaa aaminsan in isbedelkan joogtada ah uu dhaawacaya kalsoonida Ciidanka, islamarkaana fursad u yahay Al-Shabaab, oo ka faa'idaysanaysa go'aanada jilican ee Farmaajo.

Inta badan taliyeyaasha uu Farmaajo xilalka u magacaabayo waa kuwa beeshiisa kasoo jeeda, ma ahan wax ku cusub dhegaha shacabka in dowladda haatan jirta notay midii ugu xumayda oo la degtay musuq-maasuq iyo nin-jeclaysi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.