Farmaajo oo doonaya inuu baajiyo shirka Maamul goboleedyada

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa isku dayaya inuu baajiyo shirka ay maanta yeelanayaan Madaxweynayaasha shanta Maamul Goboleed, kaas oo looga arrinsanyo, qodobada looga hadli doono shir madaxeedka soo socda.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo doonaya inuu baajiyo shirka Maamul goboleedyada

MUQDISHO, Soomaaliya – Farmaajo ayaa saakay ku kallahay teendhada uu dhaex fadhiyay saddexdii maalin ee la soo dhaafay si uu baajiyo shirka la filayo inuu dhawaan u furmo Madaxweynayaasha maamulada , Galmudug, HirShabeelle, Koofur Galbeed iyo jubbaland, kaas oo ah shir doceed ay qeyb ka yihiin wakiillada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+.

Farmaajo oo ay wehliyaan sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Rooble ‘Rogane’ iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish, ayaa ku sugan Afisyooni, waxaana socda dadaalkii ugu badnaa ee Madaxtooyada Soomaaliya ku dooneyso in ay maamuladda taabacsan Farmaajo ka baaqdaan shirka ay la yeelanayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, ayaa sheegay in Farmaajo uu ka carooday shirka ay Madaxda maamulada taabacsan uga qeyb galayaan shir uusan isagu raalli ka ahayn.

“Farmaajo sidii ilmo kala xanaaqay camal uu shir aan loo dhammeyn ku hayaa qayb ka mid ah xerada, halka raggi shirku kala dhaxeeyay ay xerada dhinaca kale uga shirayaan”. ayuu yiri Odawaa.

War Dowladda ka soo baxay ayaa lagu xusay in shirka ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamul goboleedyada , Ajendayaasha kulankana waxaa lagu sheegay in looga hadlayo Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka.

Farmaajo oo dhowr jeer oo hore is hor taagay heshiisyo dhab ah oo la gaari lahaa ayaa wali sii wada, kala qeybinta Madaxda iyo siyaasiyiinta dalka, wuxuuna dhaqan ka dhigtay tan iyo markii la doortay inuu isku qataaro labadii dhinac ee arrin ka dhaxeyso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.