NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Cabdinuur oo kamid ahaa Kooxdii ololaha doorashadiisa ayaa horey u ahaa agaasimaha warfaafinta xafiiska Farmaajo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Kahor xilkan, Cabdinuur ayaa mudo ku dhaw 4 sano soo ahaa agaasimaha warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha, xilkaasi oo loogu abaalmariyay inuu kamid ahaa kooxdii ololaha doorashadda Farmaajo 2016-2017.
Cabdinuur oo ku qabiil ah Fahad Yaasiin, taliyaha NISA ayaa la magacaabey kadib markii Fuursade oo ka tagey shaqada Agaasimaha Villa Soomaaliya 5 bilood kahor.
Farmaajo ayaa ku mashquulsan mudooyinkan magacaabis iyo xilal Kala badelid, iyadoo aan dalka lahayn Ra'iisul Wasaare tan iyo July 25 markii la eryay Khayre.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments