Farmaajo oo la kulmay qaar kamid ah Madaxda Maamullada

Waxuu ka qeybgali doonaa wajiga 2aad ee Shirka ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, doorashadda lagu muransan yahay, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo la kulmay qaar kamid ah Madaxda Maamullada

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxuu ka qeybgali doonaa wajiga 2aad ee Shirka ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, doorashadda lagu muransan yahay, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Madaxdu waxay ka arrinsan doonaan sidoo kale qodobbada uu khilaafka ka taagan yahay, gaar ahaan nooca doorashadda ee ka dhaci karta Soomaaliya October 2020, iyadoo Farmaajo uu ku adkaynayso mid qof iyo cod ah, oo aan suurtgal ahayn xiligan.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Dhuusamareeb kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Ku-xigeennadiisa.

Farmaajo ayaa inta uusan u ambabaxay Dhuusamareeb khudbad kooban u jeediyay Gollaha Shacabka, isagoo u sheegay Xildhibaanada in heshiis kasta oo uu lasoo galo madaxa Maamullada kusoo celin doono Baarlamaanka, si uu u ansixiyo. [Halkan ka Daawo Video] 

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ka muuqatay mudo korarsi inuu damacsan yahay, isagoo ku yiri Xildhibaanada "go'aankaad gaartaan, baa dalka ka shaqeynaya".

Baarlamaanka 10aad waxaa uga hartay mudo xileedkiisa afarta sano 3 billodm halka Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay daba-joogaan, oo waqtigooda dhacayo Febuary 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.