Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Qaraarka oo ku saabsan magacaabista 7 kamid ah 9-ka xubnood ee Guddiga Adeegga Garsoorka waxaa meel-mariyay Aqalka Hoose 2020, laakiin ma ansixin mana la horgeyn Senate-ka.
MUDDISHO, Soomaaliya - Senator Bashir Bukhaari, ayaa eedeeyey Farmaajo Saxiixida qaraar sharci iyadoo aan ogolaansho laga helin Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Gudoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ayaa sheegay in Qaraarka oo ku saabsan magacaabista 7 kamid ah 9-ka xubnood ee Guddiga Adeegga Garsoorka uu meel-mariyay Aqalka Hoose 2020, laakiin uusan ansixin islamarkaana la horgeyn Senate-ka.
"Waa kan Farmaajo oo mar kale ku tumanaya Dastuurkii dalka oo sheeganaya in guddi ka mid ah guddiyada madaxabannaan uu ‘wareegto’ ku soo saaray isaga oo og in Dastuurku KMG ahi Qod.112aad uu qeexayo habraaca lagu magacaabayo guddiyada madaxabanaan," ayuu yiri Senator Abshir Bukhari.
Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya hadda inuu dhiso Maxkamadda dastuuriga dalka, isagoo sharciyad haysan oo wax ku saxiixo, maadaama uu waqtigiisa dhamaadey Feb 8, islamarkaana uu Villa Somalia ku joogo qaab sharci-darro ah.
Sida ka muuqata warqaddan hoos ku lifaaqan, December 2020, Farmaajo ayaa saxiixay magacaabista Xubnaha Gudiga Madaxa-banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments