Farmaajo oo niyad jab kala soo laabtay dalka Qatar

Xukuumadda Doha ayaa ka biyo diiday mid ka mid ah qorshayaashii uu watay Farmaajo, oo todobaadkan socdaal dhaqaale doon ah Qatar ku tagay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo niyad jab kala soo laabtay dalka Qatar

MUQDISHU,Soomaaliya- Dowladda Qatar ayaa diiday in ay ajiibto mid ka mid ah qorshayaashii uu Farmaajo u tagay dalkaas, kaasi oo ahaa in Qatar ay Eritrea siiso lacagtii lagu tababaray dhallinyarada Soomaalida ee dalkaasi ku xaniban.

Qatar ayaa farmaajo u sheegtay in taasi aysan ahayn suura gal, isla-markaana ay lacagta bixinayaan marka uu ku guuleysto doorashadda.

Farmaajo oo doonayey inuu soo celinta dhallintaasi ka dhigto olole doorasho, ayey niyad jab ku noqotay jawaabta Qatar, oo ah dowlad si weyn u taageereysay 4-tii sano ee la soo dhaafay Dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Codsiga Farmaajo ayaa daba joogay cadaadis uga imanayey maalmihii ugu danbeeyey Isaias Afwerki, kaasoo Farmaajo u sheegay in ay isi soo tareyso dhaqaalaha Eritrea uga baxaya ciidamada ay tababartay, maadaama dib u dhac uu ku yimid, xilligii ciidankaasi loo qorsheeyey in dalkooda ay ku soo noqdaan.

Farmaajo ayaa sidoo kale culeys kala kulmayey warbaahinta Soomaalida, oo inta badan ku soo cel celisa tabashada waalidiinta dhallinyaradaas, iyadoo siyaasi kasta oo waramana uu arintaasi soo hadal qaado, balse Qatar uma suura galin fadeexadda hoggaanka waqtigiisu dhamaaday ka heysata arrintaasi, waxana isagoo moraala-dillaacsan shalay ka soo dagay gigada diyaaradaha Aadan Cadde.

Qatar ayaa taa baddelkeeda Farmaajo siisay lacag malaayin ah oo ka caawineysa boobka doorashadda, waana mid ka mid ah fara galinta qaawan ee ay dowladaha carbeed ku hayaan arrimaha Soomaaliya

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in dhallinyaradaasi, ay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah, waxana qaarkood ay la nool yihiin xanuuno asiibay, halka kuwa kalana ay ku geeriyoodeen xeryaha ay tababarka ku qaadanayeen, waxana jirta in lagu shaqeysto oo ay jabiyaan dhagxaan buuraha ku hareereysan goobta ay ku dayacan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.