Farmaajo oo qarka u saaran inuu ka tanaasulo Muddo-kordhinta

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saarey Farmaajo inuu ka tanaasulo muddo-kordhinta loo sameeyay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo qarka u saaran inuu ka tanaasulo Muddo-kordhinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka hoose oo Keydmedia Online ka heshay Shirka ka socda Afisyooni ayaa sheegaya in Farmaajo lagu cadaadiyay inuu iska daayo muddo-kordhinta labada sano.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa saakay ugu yaarey Farmaajo Afisyooni, waxaana loo sheegay inaan laga ogolaan doonin mudo labo sano inuu ku darsado, maadaama ay keeni karta dagaal dalka ka dhaca.

Wararka KON helayso waxay intaasi ku darayaan in Farmaajo laga dalbaday in labada sano ka dhigo afar bilood, islamarkaana uu awoodda ku wareejiyo Rooble oo qabanaya doorashadda iyo wadahadallada lala galaya Maamul Goboleedyada.

Farmaajo ayaan wali qaadan go'aan, isagoo xaaladda ku xun tahay oo Mareykanka ugu hanjabay inuu cunaqabateyn saari doono hadii uusan qaban doorasho loo dhan yahay, islamarkaana uusan si deg deg ah ugu laaban miiska wadahadalka.

Wixii kusoo kordha, kala soco Bogga KON.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].