Farmaajo oo safar qarsoodi ah ku aaday Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka shidaal-qaato Abiy Axmed, oo xiriirkooda uu fiicnaa tan iyo 2018 markii uu isedelka ka dhacay wadanka Itooboya, oo mudo qas iyo faragelin ku hayay siyaasadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo safar qarsoodi ah ku aaday Itoobiya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si deg deg ah ugu ambabaxay dalka Itoobiya saacado kadib markii xilka laga qaadey Ra'iisul Wasaare Kheyre, oo Sabtidii lasoo dhaafay Gollaha Shacabka kalsoonida kala noqday Xukuumaddiisa.

Lama oga waxa uu ku saabsan yahay safarka qarsoodiga ah, ee uu Farmaajo ugu maqan yahay Itoobiya, iyadoo wali Villa Soomaaliya aysan la wadaagin bulshada socdaalka Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo.

Abiy Axmed ayaa Baarlamaanka dalkiisa dhawaan mudo kordhin u sameeyay, iyadoo dib loo dhigay doorashadii Itoobiya ka dhici lahayd August 2020, waxaana arintaasi noqotay mid uu ku daydo Farmaajo, oo hadda cagta saarey wadadii mudo-korarsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.