Farmaajo oo u tanaasulay Axmed Madoobe iyo Deni

Qodobada uu ka tanaasulay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah in Ciidamada dowladda ay geysay gobolka Gedo dib looga soo celiyo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo u tanaasulay Axmed Madoobe iyo Deni

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho kulamo ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lumiyay kaararkii siyaasadeed ee uu muddada dheer soo ciyaarayay kadib markii uu ka tanaasulay qodobo muhiim u ah, oo gundhig u ahaa hankiisa siyaasadeed ee doorashada 2020 iyo dedaaladii uu ugu soo gogol xaarayay.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku sugan ayaa furitaanka shirka dowlada iyo labadaas maamul ku xiray shuruudo adag, kuwaas oo caqabad ku noqday madaxweyne Farmaajo, waxaana markii danta ku qasabtay madaxweynaha in uu tanaasul u sameeyo labadan nin.

Qodobada looga guuleystay Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah in uu ogolaaday in ciidamada Dowladda laga soo saaro gobolka Gedo, islamarkaana awoodda gobolkaas ay la wareegaan ciidamada Jubbaland, taasoo oo fashil ku noqneyso madaxweyne Farmaajo iyo dedaalkii uu ku bixiyay oo hal Bacaad lagu lisay noqonaya, sida ay Keydmedia Online shalay soo qortay. 

Qodobka kale ee guuldarada Farmaajo sababay ayaa ah in uu ogolaaday baabi'inta qodobadii shirka Dhuusamareeb 3, kadib markii lagu cadaadiyay in madaxda kale ee maamulada ay Muqdisho yimaadaan kadibna la qabto shir wada ogol laga wada yahay.

Arrimahaan oo dhan ayaa u muuqdo kuwa mugdi gelinaya rajadii Madaxweyne Farmaajo ee dib u doorashadiisa iyo halgankii dheeraa ee uu xitaa Xasan Cali Kheyre oo garabkiisa ahaa ku riday.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.