Somalia needs to move forward together, says president
Xogta ay Keydmedia heshay ayaa sheegaysa in Farmaajo uu Taleefonka kula hadlay Prof. Cabdinuur oo haatan ku nool dalka dibadiisa, isagoo ugu yeeray Muqdisho si xilka ugu magacaabo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Illo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw Villa Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyey KON in Madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe uu Ra'iisul Wasaare ugu magacaabi rabo Prof Cabdi Nuur Sheekh Maxamed.
Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay khadka Taleefonka kula hadlay Prof.Cabdi Nuur oo degan dalka Mareykanka, isagoo ku wargeliyay inuu xilka RW u magacaabayo, sidaas darteedna looga baahan yahay inuu si deg-deg ah u yimaado magaaladda Muqdisho.
Prof Cabdi Nuur waa aqoonyahan aad ugu dhaw Farmaajo, kana soo jeedo gobolka Hiiraan, wuxuuna horey usoo noqday Wasiirka Waxbarashadda dowladda uu hogaaminayay Sheekh Shariif, oo isla Farmaajo Ra'iisul wasaaraha ka ahaa.
Waxaa jira siyaasiyiin kale oo xusul-duub ugu jira xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo xilkan ay u tartamayaan shaqsiyaad kasoo jeeda Beelaha Hawiye, maadaama wadanka uu wali ku dhaqmayo nidaamka qabaliga ee 4.5 [Afar beelood iyo bar].
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments