Farmaajo oo xilka ka qaadaya Taliyeyaal uu ku jiro Odowaa

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo xilka ka qaadaya Taliyeyaal uu ku jiro Odowaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog ay Keydmedia Online ka heshay illo ku dhaw Madaxtooyadda, ayaa sheegaysa in xilka qaadista ay qeyb ka yahay howlgal dawladda looga saarayo xubnihii Khayre uu keenay iyo kuwa ku dhawaa.

Todobaadkii tagey, Farmaajo ayaa xilka ka qaadey taliyihii Ciidanka gaarka ee DANAB, Ismaaciil Cabdi Maalik kadib markii uu maalmo ku xirnaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Wuxuu ku bedelay wiil Mareexaan ah, oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi Beeryare. Mareykanka ayaa diiday magacaabista taliyaha cusub, iyagoo ka dalbaday Madaxweynaha inuu caddeeyo sababtii uu xilka uga qaadey Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

DANAB waxaa dhisay taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] sanadkii 2013, isagaana ilaa hadda gacanta ku haya, oo bixiya mushaarka askarta, tababarkooda iyo agabka ay ku howlgalaan, sida qoryaha, rasaasta iyo gaadiidka dagaalka.

Mudo 7 sano ah, DANAB ayaa yeelatay illaa 6 taliye, taasina waxay niyad-jab ku noqotay Ciidanka dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab, oo kalsoonida uu ka dilay Farmaajo markii uu xilka qabtay.

“Saraakiil Ciidan ayaa xilka laga qaadi doonaa dhawaan, kuwaasoo ay kamid yihiin Taliyaha Millitariga Jeneraal Odowaa Yusuf, Taliyaha Asluubta C/raxmaan, taliyaha Booliska Xijaar,” ayuu yiri Sarkaal magaciisa ka gaabsadey, oo la hadlay KON.

Musuq-maasuqa Soomaaliya ma ahan oo kaliya midka lacagta ay xadayaan Madaxda, ee waxuu sidoo kale ka jiraa xilalka dawladda, Safaaradaha iyo Ciidamada oo qaab beeleed uu ku wado Farmaajo.

Qorshahan xilalka looga qaadayo taliyeyaasha wuxuu soo socday tan iyo markii Baarlamanka uu kalsoonida kala noqday Xukuumaddii Khayre, oo iyadu si toos ah u maamulaysay howlaha Ciidamada.

Ujeedka Farmaajo ayaa ah inuu taliska Ciidamada kala duwan ee dalka uu gacanta u geliyo rag ay isku beel yihiin, waxaana arintan laga cabsi qabaa inay keento xaalad cusub, oo horseedi karta dagaal.

Kala shaki wayn ayaa ka dhex jira gudaha Ciidanka xoogga dalka, waxaana suurta-gal ah in hadii Madaxweynaha wax ka bedelin qorshihiisa inay askarta iyo talisyada ay beel, beel u kala saftaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.