Farmaajo wuxuu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah

Waxay musharixiinta ku baaqeen in la dhiso Golle Qaran oo dalka samatabixiya, loona gaarsiiyo doorasho loo dhan yahay.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo wuxuu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu dalka geliyay xaalad mugdi ah iyo hubanti la'aan kadib markii si nadiif ah xilka ku wareejin waayay marka uu dhamaadey mudo-xileedkiisa.

"Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Farmaajo wuxuu ku fashilmay inuu dalka ka hirgeliyay doorasho waqtigeeda ku dhacda, oo waafaqsan dastuurka KMG ee Soomaaliya iyo sharciga doorashooyinka Qaranka, sida ay sheegeen Midowga Musharixiinta.

Musharixiinta waxay soo jeediyeen maadaama uu Farmaajo ahayn wixii maanta ka dambeeyay Madaxweynaha dalka in la dhiso Golle Qaran oo KMG ah, kaasoo ka kooban Gudoomiyeyaasha labada Golle ee Baarlamaanka, Musharixiinta, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Bulshadda Rayidka si loo dhameystiro hirgelinta heshiiska doorashadda 17-kii Sep.

Taariikhda kama dhicin dalka in Madaxweyne mudo-xileedkiisa uu dhamaado, iyadoo aan doorasho la qaban ama uusan jirin heshiis siyaasadeed oo wadar ogol ah oo lagu diyaarinayo doorashadda, waxaana hubaal ah in Farmaajo dib u dhac ku keenay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.